Connect with us

Wararka Soomaalida

Koobka Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya ee Minnesota oo si qurxoon ku dhamaaday

Published

on

Waxaa magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu soo gebagabeeyay tartankii kubadda cagta ee lagu xusayey xoriyadda Soomaaliya.

Koobkan kubadda cagta ee loogu magacdaray Todobaadka Soomaalida iyo Minneapolis (MSP Somali Week) ayaa waxaa ka qayb galay 8-deed kooxood oo ka kala socday saddex gobol oo kamid ah dalka Mareykanka oo ay kamid yihiin Georgia, Ohio iyo Minnesota.

Kooxda Qaranka

Tartankan oo ahaa mid si qurxoon loo soo agaasimay, dad weynihii u soo daawasho tegay iyo ciyaartooydii ka qayb qaatayna ay aad u bogaadiyeen, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey tababare Adam Ugas.

Ganacsadde Ahmed Jama oo Abdulqadir Aideed gudoonsiinaya biladda ciyaartoyga ugu wanaagsanaa tartanka.

Ciyaartii kama dambeysta ahayd ee koobka todobaadka xoriyadda Soomaaliya ayaa waxaa isku soo baxay labadda kooxood ee Qaranka iyo Section 0ne. Waxaa koobka hantay oo ay guushu ku raacday 5 -2 kooxda Section One. Labadda kooxood ee iyagu nasiibka u yeeshay in ay ku kulmaan ciyaarta finalka ah ayaa soo bandhigay ciyaar aad u qurxoon oo aad loola dhacay, balse waxaa awood batay oo ciyaar isku dheeli tiran koobka ku qaaday kooxda Section One iyo macalinkooda Macow.

Ali Talyaani oo gudoonsiinaya Garsoore Xassan abaal-marin.

Koobkan oo ay ka qeybqaateen 8-deed kooxood ayaa waxaa kaalinta koobaad ku guuleysatay kooxda Section One, kaalinta labaad kooxda Qaranka, Goolhaya ugu wanaagsan Mahad oo u ciyaara kooxda Section One, Ciyaartooygii ugu goolasha badnaa Abdikadir Qasaaye oo u ciyaara kooxda Qaranka, ciyaartooygii ugu wanaagsanaa ama MVP-ga tartanka Abdulkadir Aideed oo u ciyaara kooxda Section One.

Kooxda section One oo ah kooxda koobka qaaday

Haddaba markii ay ciyaartii dhamaatay ayaa goobta iyo garoonka lagu qabtay ciyaarta laga bixiyay bilado iyo abaal-marino la gudoonsiiyay kooxdii koobka hanatay iyo ciyaartooydii ugu wanaagsanaa intii uu tartanku socday oo abaal-marino kala duwan la gudoonsiiyay.

Marti sharaftii bixisay biladaha iyo abaal-marinta

Waxaa koobka, biladaha iyo abaal-marintaba bixiyay qaar kamid ah haldoorka iyo hogaamiyeyaasha bahda Isboortiska iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.  Waxaa kamid ahaa marti sharaftii iyagu bixiyay koobka iyo biladaha:

Macalinkii Qaranka macalin Muslimiin, Fartun Osman oo ah tababare gabdhaha, horayna u soo ahayd ciyaartoy qaran, Abuukar Hassan oo kamid ahaa ciyaartooydii hore ee Badda iyo Dakada, Laacibiintii hore ee Minishiibiyo Cusman Baaldi iyo Liban Jama (Liibaan Futeey), Abwaan Abdikani Haji October oo horeyna u ahaa ciyaartooyda ugu caansan gobolka Minnesota, ganacsadde Ahmed Jama oo kamid ahaan jiray ciyaartoyda gobolka Minnesota ahna mulkiilaha shirkadda gaadiidka ee Sunlight Logistics iyo wiilka dhallinyaradda ah Ali Talyaani oo isagu kaalinta dhallinyaradda matalayey.

Qaar kamid ah ciyaartoyda kooxda Section One iyo macalinkooda Macow oo u dabaal degaya koobka ay qaadeen
Continue Reading

Community

OGEYSIIS: XANUUNKA JADEECADDA OO MINNESOTA KU FAAFAY

Published

on

By

Minnesota –

Waxaad Tusmo Times uga barateen in aan idinla wadaagno oo aan idin wargelino akhbaar, warar iyo macluumaad la xiriira ammniga, bed-qabka bulshadda iyo arrimaha guud ahaan saameeya bulshadda Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota. Haddaba maanta waxaan idinla wadaageynaa fariin, macluumaad iyo wargelin muhiim ah oo ku socota qoysaska iyo bulshadda Soomaalida oo la xiriirta caafimaadka.

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtay in Cudurka Jadeecada oo bishii shanaad ee May ka bilowday gobolka Minnesota uu faafay, cudurkan ayaa ku faafay oo soo riday 39 carruur ah, sidoo kale tiradda carruurta ama dadka uu ku dhacay ama laga helay cudurka jadeecadda ee gobolka Minnesota ayaa 40 qof maraya sannadkan.

Ha’yadda Caafimaadka Aduunka ee (World Health Organization) ayaa sheegtay in 136,000 oo qof in ay u dhinteen cudurka jadeecada dunida oo dhan sannadkii 2022-ka.

Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqay sannadkii 2000 in cudurka Jadeecadda gebi ahaanba dalka Mareykanka laga tirtiray oo saameeyntiisa la so oaf-jaray. Balse sannadkii 2017-kii ayuu cudurku dib uga dilaacay gobolka Minnesota, wuxuuna ku dhacay 70 qof oo u baddan Soomaali. Sannadkii 2022 ayuu markale cudurku dib ugu faafay gobolka Minnesota markii laga helay dhowr qof oo dalka dibadiisa u safray.

MAXAY KA DHIGAN TAHAY WARBIXINTAN LA XIRIIRTA CUDURKA JADEECADA?

Jadeecadu waa xanuun la kala qaado oo uu fayrus keeno, kuna faafa hawada, qofkuna qufac iyo hindhiso yeesho. Cudurka Jadeecadu waa caabuq uu talaal baajin karo.

Haddaba faafitaanka cudurkan jadeecada, gaar ahaan saameynta uu ku leeyahay carruurta Soomaalida oo iyagu u baddan 30 qof ee uu cudurku soo ritay ayaa la xiriirta, loona aaneynayaa talaal la’aanta ama carruurta aanan talaalneyn.

Marka ay qoysasku socdaalaan ama safar ay ku tagaan wadamo qaarada Africa kamid ah, carruurtooduna ayna talaalneyn waxay keentaa in ay qaadaan cudurka, kaddibna ku faafo qoyska iyo bulshadda inteeda kale. Waana mida keentay in uu mudo kooban cudurku ku faafo Minnesota, gaar ahaan carruurta Soomaalida.

Waxaa jira dugsi kamid ah dugsiyadda ku yaala gobolka Minnesota oo ay maamulka dugsigu iskood u xireen dugsiga si ay uga hortagaan faafitaanka cudurka Jadeecada.

Waxaa bilowday oo dib loogu noqday Iskuuladii. Sidoo kale waxaa jira goobo ay kamid yihiin XANAANOOYINKA, DUGSIYADDA, ISKUULADDA, GOOBAHA LAGU CIYAARO IYO XARUMO KALE oo ay si gaar ah carruurta Soomaalidu u tagaan, uguna xiran yihiin, waana arrin kordhin karta faafitaanka cudurka oo walwalkeeda leh.

MAXAY YIHIIN CALAAMADAHA JADEECADU?

Calaamadaha jadeecada waxay badanaa yimaadaan marka hal ilaa laba todobaad kaddib qofku la kulmo cid qabta cudurkan. Jadeecadu waxay ku bilaabantaa duuf sanka ah oo qofka ka dareera, qufac, indhaha oo casaan noqda. Dhibco yaryar oo cadaan ah ayaa kasoo baxa afka wixii ka danbee sadex maalmood marka calaamadaha la arko oo ay la socoto xumad yar (101-102°F). Finan badan ayaa qofka ka soo yaaca oo ay u dheertahay xumad baddan oo gaaraysa (104°F) taas oo timaada saddex ilaa shan maalmood kaddib marka calaamadaha u horeeyay la arkay.

Finanka qofka ka soo baxa ayaa bilaaba in ay yeeshaan meelo casaan ah oo wajiga ka soo baxa, kaddibna waxay ku faafaan jidhka intiisa kale. Ka dib marka finanku faafaan, waxaa dhici karta in ay finanka kala duwan isasoo gadhaan.

Dhibaatada iyo saameynta caafimaad ee uu cudurkani leeyahay waxaa kamid ah:

1. Caabuqa sanbabka (pneumonia) kaas oo keena in isbitaalka la isku dhigo, waana sababaha ugu waawayn ee ay carruurtu ugu dhintaan cudurka jadeecada, ama isbitaal in mudo ah loo seexiyo.

2. Barar maskaxda ah (encephalitis) ayaa iman kara, kaas oo horseedaya suuxdin, dhago beeli rasmi ah ama laxaad la’aan ku dhacda garaadka qofka.

SIDEE AYEEY CARRUURTU KU QAADI KARAAN JADEECADA?

Jadeecadu badanaa waxaa keena fayrus faafa oo ku dhaca tobankii qof sagaal qof oo ah kuwa aanan laga talaalin. Fayruska jadeecadu waxa uu ku gudbaa hawada maadama uu qufac iyo hindhiso wato. Carruurta qaaday jadeecadu waxay neefsadaan hawo uu la socdo fayruska cudurka keena. Qofka cudurkani uu ku dhacay marka uu taabto meel, tusaale ahaan marka ay taabtaan indhahooda, sankooda ama afkaba waxa ay ku reebaan fayruska. Dadku waxay dadka kale qaad siin karaan ama ku faafin karaan laga bilaabo maalinta afraad iyo wixii ka danbeeya oo dhan.

SIDEE LOO DAAWEYN KARAA JADEECADA?

Ma jirto dawo fayruska lagu dilo uu u gaar ah oo lagu dawayn karo caabuqa jadeecada. Balse waxaa jira ka hortag uu talaalku know ka yahay iyo isticmaalka Fiitaamiin A-ga oo taakulo kaalmo ah keeni kara. Balse Fiitaamiin A-gu kama hortago ama ma daweeyo jadeecada.Waxa ugu wanaagsan ee la hubo ee kahortaga keena waa Talaalka MMR-ka.

MAXAY QOYSKU SAMAYN KARAAN SI AY UGA HORTAGAAN JADEECADA?

• Talaalka MMR ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee la iskaga ilaalin karo jadeecada. MMR waa talaal amaan ah oo wax ku ool ah. Laba xadi ama laba jeer oo kala duwan oo Talaalka MMR-ka ah ayaa boqolkiiba 97% kahortagi kara jadeecada. Eeg ama waydii dhakhtarka carruutaada diiwaankaaga talaalka cunugaaga si aad u xaqiijiso in MMR iyo talaalada kale ee ay carruurtaadu qaateen. Carruurtu waxay u baahan tahay laba xadi oo talaalka MMR-ka ah; xadiga kowaad ama midka koobaad waxaa la siiyaa marka ay yihiin 12-15 bilood jir ka labaadna waxaa lasiiyaa mark ay lix sanno jir yihiin.

• La soco oo horay u qorshee haddii qoyskaagu uu diyaar u yahay in uu safar caalami ah oo wadanka looga baxo uu galo. Carruurta yaryar ee 6 bilood kayar waxay qaadan karaan talaalka MMR-ka ka hor inta ayna safrin si aad u taxadartaan oo caafimaadkooda u ilaalisaan. Carruurta waawayn waxay sidoo kale haboon in ay qaataan xadiga labaad ama qaybta labaad ee talaalka MMR-ka. Kala hadal dhakhtarka kuu daryeela carruurta wixii khatar ah ee carruurtu kala kulmi karaan socdaalka iyo safarka aad galeysaan.

• Waxaa dhici karta in ay jiraan xubno qoyskaaga ah oo aan lasiin karin talaalka MMR-ka oo ay ku jiraan carruurta, dumarka uurka leh iyo dad kale oo difaaca jidhkoodu diciif yahay sababo la xiriira caafimaadkooda. Haddaba haddii ay qoyskaaga kamid yihiin dad ku sugan marxaladahan caafimaad, fadlan la xiriir dhakhtarkaaga, kalana tasho safarka aad galayso iyo sidii aad caafimaad ahaan isku badbaadin lahaydeen.

Halkan kala soco warbixinta caafimaad ee ku saabsan faafitaanka Jadeecada iyo macluumaad muhiim ah oo la xiriira:

https://www.health.state.mn.us/diseases/measles/index.html

HADDABA HADII AAD QABTO SU’AALO LA XIRIIRA FAAFITAANKA CAABUQA JADEECADA AMA AKHBAAR DHEERAAD AH AAD U BAAHAN TAHAY FADLAN LA XIRIIR WAAXDA CAAFIMAADKA EE GOBOLKA MINNESOTA ADIGA OO WACAYA TALEEFANKA QAYBTA KA HORTAGA CUDURADA FAAFA 651-201-5414

AMA LA XIRIIR DHAKHTARKA DARYEELA QOYSKA IYO CARRUURTAADA.

Continue Reading

Somali News

Xafladda Caleema-saarka MW Xasan Sheekh oo si heer sarre ah ku dhamaatay

Published

on

By

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa hoolka afisyooni oo ah halkii lagu doortay 15 May 2022, isla-markaana ku yaal xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Musaasabaddan lagu caleema-saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo ay kulmisay marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweyneyaal, Hoggaamiyeyaal, Mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Xigashadda Sawiradda: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS

Continue Reading

Community

Munaasabad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada kooxda Twin Cities Sanaadkan soo hoysay

Published

on

By

Waxaa magaallada St. Paul ee gobolka Minnesota lagu qabtay xaflad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada iyo da’ayarta kooxda kubadda cagta ee Twin Cities Youth Soccer Club. Munaasabadan oo si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa sannadkan hal ku dhigeedu ahaa “Dhallinyaradena, Mustaqbalkeena”.

Naadiga kubadda cagta ee Twin Cities ayaa ka kooban 180 dhallinyaro ah oo ay da’doodu u dhaxayso 5 sanno ilaa iyo 15 sanno. Da’yartan iyo dhallinyaradan naadiga Twin Cities Soccer Club u ciyaara ayaa ka kooban 12 kooxood. Haddaba ciyaartoydan da’da yar ayaa sannadkan soo hooyay guulo iyaga oo hantay koobab, kuna guuleystay horyaalo waaweyn oo sannad walba lagu qabto gobolka Minnesota. 

Guulaha iyo koobabka ay dhallinyarada Twin Cities Soccer Club ayaa waxaa kamid ah: 

  1. Kaalinta Koobaad USA CUP
  2. Kaalinta Labaad Horyaalka MYSA
  3. Kaalinta Koobaad Koobka Somali Week
  4. Kaalinta 4-aad Horyaalka MYSA

Munaasabada loogu dabaal degayey horumarka iyo guulaha ay dhallinyarada iyo Naadiga Twin Cities Soccer Club gaareen sannadkan 2021 ayaa waxaa ka soo qayb galay waalidtiin, qaar kamid ah hogaamiyeyaasha, culumadda, aqoon yahaniinta iyo madaxda gobolka Minnesota. Waxaa goobta munaasabada laga jeediyay qudbado kala duwan oo dhiiri-gelin iyo dabaal deg iskugu jiray. 

Maamulka iyo macalimiinta kooxda Hawaji, Robert, Justin, Abass, Ali, Hashi, Abdiqadir Tute iyo Ahmed Indho ayaa ciyaartoyda iyo kooxaha kala duwan ee uu naadigu ka kooban yahay gudoonsiiyay Abaal-marin, hadiyado iyo shahaadooyin loogu dabaal degayo shaqada wanaagsan iyo guulaha kala duwan ee ay sannadkan soo hooyeen. 

Continue Reading

Trending