Connect with us

Wararka Kenya

Wafdi Kenya ah oo gaaray Kismaayo

Published

on

Wafdi Kenya ka socda ayaa hadda ka degay Magaaladda Kismaayo waxaa hoggaaminaya Aadan Bare Ducaale waxaa Garoonka Kismaayo kusoo dhoweeyay Axmed Madoobe.

Wafdigan ayaa Kismaayo ku kala tagay diyaarad nooca Ciidanka ah mid mid rayidk ah sida sawiro kalaga soo qaaday ay tilmaamayaan.

Wafdigaan waxaa ka mid ah Wasiirkii hore arimaha dibadda Kenya Yuusuf Xasan iyo qaar kale oo Soomaali ah.

Continue Reading

Wararka Kenya

Weriye Afrax: Suxufigii ugu da’weynaa suxufiyiinta Soomaalida oo geeriyooday

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday suxufigii ruugcadaaga ahaa, uguna da`weynaa suxufiyiinta Soomaaliyeed Allaha u naxariistee Maxamuud Maxamed Afrax. Waxaa qoraalkan hoos ku yaala oo ku saabsan taariikhda weriye Afrax oo kooban qoray suxufi Maxamed Rooble Nuur oo ahaa tifaftiraha 2-aad ee warggeyskii HEEGAN ee ka mid ahaa wargeysyada afka dheer oo ay […]

Published

on

By

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday suxufigii ruugcadaaga ahaa, uguna da`weynaa suxufiyiinta Soomaaliyeed Allaha u naxariistee Maxamuud Maxamed Afrax.

Waxaa qoraalkan hoos ku yaala oo ku saabsan taariikhda weriye Afrax oo kooban qoray suxufi Maxamed Rooble Nuur oo ahaa tifaftiraha 2-aad ee warggeyskii HEEGAN ee ka mid ahaa wargeysyada afka dheer oo ay wasaaraddii warfaafinta soo saari jirtay oo isagu si gaar ah ula shaqeyn jiray Allaha u naxariistee Weriye Afrax. 

KUMUU AHAA WERIYE AFRAX

Maxamuud Maxamed Afrax wuxuu ku dhashay degmadda Balcad ee gobolka Sh/Dhexe 1930yeedii. Wuxuu yaraantiisii galay magaalada Muqdisho. Wax yar kaddib wuxuu ka mid noqday ciyaalkii Ingiriisku ka uruuriyey magaalda ee loo gudbiyey degmadda Mombassa ee Kenya, halkaas oo daryeel iyo waxbarashoba lagu siiyey.
Markii uu koray waxna bartay wuxuu ku biiray Boliiska Kenya oo uu wax yar kaddib ka baxay. Kaddib wuxuu bartay cilmiga saxaafadda, wuxuuna u soo wareegay Xamar asaga oo ku biiray Wasaaradda Warfaafinta oo waxbarasho dalka Jarmalka ah u dirtay 1966kii.

Wuxuu habeeyey shelfiska keydka cajaladaha Radio Muqdisho. Wuxuu ka shaqeeyey Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Mr Afrax waxaan wada asaasnay wargeyskii afka Ingiriisiga ku soo bixi jiray 1979kii asagoo ahaa Tifaftiraha Sare anigana aan ahaa ku-xigeenkiisa ilaa ay ka dhacdo dawladdii dhexe 1991kii.
Wuxuu muddadaas ahaa wakiilka wakaaladda wararka Ingirriiska REUTERS ee Muqdisho anna aan ahaa wakiilka wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

Mr Afrax wuxuu ahaa farxaan, waayo-arag had iyo jeer wax ka qora dhibaatooyinka bulshada heysta. Wuxuu lahaa bog la yiraa FIDAY-NOTEBOOK ee uu ku soo bandhigi jiray arrimaha markaas taagan. Wuxuu ahaa nin aan marna caroonin ee beddelkeeda qosla.

Buuggiisii TARGET: VILLA SOMALIA ee 1991kii wuxuu soo jiitay akhristayaal badan. Waddanka Canada oo uu burburka kaddib ku noolaa waxaa looga aqoonsaday 1995kii saxafiga sannadka. Sannadihii dambe ayuu u soo wareegay magaalada Nairobi halkaas oo uu maanta ku geeriyooday.

Allaha u raxmado. Aamiin!

W.Q. Maxamed Rooble Nuur

Xigasho: Bogga Facebook-ga Abdulkadir Mursal

Continue Reading

Trending