Connect with us

Local News

Wasiirka Arrimaha Dibbadda ee Soomaaliya oo la kulmay Culumada Gobolka Minnesota

Wasiirka Arrimaha Dibbadda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo booqasho gaaban ku jooga Magaalada Minneapolis, Gobolka Minnesota ee Waddanka Mareykanka oo kulumo kala duwan la yeelanayey qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota. Culumada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa kamid ah dadka uu […]

Published

on

Wasiirka Arrimaha Dibbadda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo booqasho gaaban ku jooga Magaalada Minneapolis, Gobolka Minnesota ee Waddanka Mareykanka oo kulumo kala duwan la yeelanayey qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Culumada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa kamid ah dadka uu kulanka la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibbadda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka iyo Culumada ayaa dhaafsadeen fikrado ku saabsan xaalada wadanka iyo kaalinta Culumada Soomaaliyeed kaga aadan.

 

Kulankan ayaa waxaa uu ka dhacay Masaajidka Dar-Us-Salam ee ku yaala magaalada Burnsville, Minnesota.

Wasiirka oo ka warbixiyay xaalada wadanka iyo kaalinta ay culumadda Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Culumadan habka maamuuska Wanaagsan oo ay ku qaabileen, Asagoo ku booriyay in ay qeyb ka noqdaan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Sawiradda: Isma Muse

Local News

Magaaladda St. Paul oo bixisay deymo lagu lahaa 32,000 oo qof

Published

on

By

SAINT PAUL – Magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa bixisay dhamaan deymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa 32,000 oo qof oo deggen magaaladda. Duqa magaaladda St. Paul iyo shaqaalaha howshan ka shaqeeyay ayaa todobaadkan waraaqo u diraya 32,000 oo qof oo ay u sheegayaan in dhamaan wixii dayn caafimaad ee lagu lahaa laga bixiyay, lagan tirtiri doono.

Arrintan oo aad loo hadal hayo ayaa waxaa balanqaaday duqa magaaladda St. Paul Melvin Carter markii uu ku jiray ololaha doorashadda ee dib loogu doortay. Haddaba magaaladda St. Paul ayaa tirtirtay daymo qiimo ahaan ah $40 milyan oo ah daymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa dadka deggen magaaladda. Duqa magaalada St. Paul Melvin Carter ayaa sheegay in qorshahan looga golleeyahay in taageero la siiyo dadka daynta lagu leeyahay ee deggen magaaladda St. Paul si culeyksa dhaqaale looga qaado, loona garab qabto oo loo kaalmeeyo.

Continue Reading

Local News

NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO

Published

on

By

MINNEAPOLIS – Derrick Thompson oo ah ninkii shanta gabdhood ee Soomaalida ah shil gaadhi ku dilay ayaa diiday heshiis qirasho ah oo ay haweenayda ah Xeer-ilaaliyaha Degmadda Hennepin soo hordhigtay, balse ninkan ayaa sheegay in uu beddelkeeda maxkamadayn doonayo. Ninkan ayaa ku eedaysan dil darajada saddexaad ah iyo dil baabuur oo lagu eedeeyay in uu baabuur ku dhacay oo uu dilay shan gabdhood oo saaxiibo ah isaga oo ka baxsanaya booliiska.

Bishii hore ayeey maxkamad heer federaal ah ninkan ku heshay dhowr dembi oo la xiriira dilka gabdhaha. Qareenada Degmadda Hennepin ayaa xaqiijiyay in Derrick Thompson iyo qareenada difaacaya ay diideen heshiiska qiraalka ah, iyaga oo door biday in dacwadda la billaabo Febraayo 18, 2025 oo maxkamad la aado.

Derrick Thompson ayaa lagu soo oogay shan dacwadood oo kala ah dil darajada saddexaad ah iyo 10 fal dambiyeed dil baabuur ah oo sababay dhimashada shan gabdhood oo dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 20 jir: Salma Mohamed Abdikadir, Sahra Liban Gesaade, Sagal Burhaan Hersi, Siham Adan Odhowa, and Sabiriin Mohamoud Cali.

Continue Reading

Local News

Duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayaa qorsheynaya inuu mar kale isu soo taago doorashada Duqa Magaaladda

Published

on

By

MINNEAPOLIS – Duqa magaaladda Jacob Frey ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu mar kale isu soo taago doorashada sannadka soo socda.

“Waxaan isku diyaarinayaa inaan noqdo musharax u tartamaya xilka duqa magaaladda, laakiin weli si rasmi ah uma shaacin,” Frey ayaa qoraal ku sheegay Isniintii.

Jacob Frey ayaa markii u horeysay loo doortay duqa magaaladda sannadkii 2017, isaga oo ka adkaaday Betsy Hodges. Jacob Frey ayaa ahaan jiray Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee degmadda 3-aad ee magaaladda Minneapolis 2014 ilaa 2018 inta uusan noqonin duqa magaaladda.

Xigashadda sawirka: Magaaladda Minneapolis

Continue Reading

Trending