Connect with us

Local News

Deg-Deg: Darawal wada basaska Iskuulada oo madaxa laga toogtay Minneapolis

Darawal wada baska dugsiyadda ee Minneapolis ayaa la toogtey. Toogashadan ayaa dhacday galabta oo ah Talaadado saacadu markii ay ahayd 2:00 galabnimo. Dhacdanan iyo toogashaddan la yaabka leh ayaa ka dhacday bartamaha Jidka weyn ee I-35 W iyo Buundada kormarta ee wadada Chicago ee koonfurta magaalada Minneapolis, sida ay sheegeen ciidanka booliiska. Haddaba waxaa la […]

Published

on

Darawal wada baska dugsiyadda ee Minneapolis ayaa la toogtey. Toogashadan ayaa dhacday galabta oo ah Talaadado saacadu markii ay ahayd 2:00 galabnimo.

Dhacdanan iyo toogashaddan la yaabka leh ayaa ka dhacday bartamaha Jidka weyn ee I-35 W iyo Buundada kormarta ee wadada Chicago ee koonfurta magaalada Minneapolis, sida ay sheegeen ciidanka booliiska.

Haddaba waxaa la sheegayaa in dalawarkii waday baska ay xabadi uga dhacday madaxa, xaaladiisa caafimaadna ay halis ku jirto, basle aanan la xaqiijinin marxalada uu hadda ku sugan yahay. Waxaana loo lala cararay Isbitaalka, halkaas oo loogu fidinayo kaalmo caafimaad.

Waxaa la sheegayaa in baska iyo gaari kale ay isku dhaceen, kadibna qof gaariga kale saarnaa oo aan la hubin in weli in uu yahay darawalka gaariga kale in iyo inkale uu yahay qofka toogtay darawalka waday baska. Ciidamada booliiska ayaa sheegaya in ay qabteen qofkii gaystay toogashadda.

Waxaa kale oo la sheegay in hal arday uu baska saarnaa xilligii ay dhacdadani dhacaysay ee la toogtay darawalka baska.

Afhayeen u hadlay Iskuulka Dadweyanah ee magaalada Minneapolis ayaa xaqiijiyay in baska uu yahay bas u adeegayay Iskuulada Dadweyanah magaalada Minneapolis. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ardaygii saarnaa baska uu nabad qabo.

Arrintan la yaabka leh ayaa ah mid deg-deg ah, wayna ku soo aadaysaa wakhti laga rawaxayo Iskuulada iyo shaqooyinka iyadda oo uu da’ayo baraf aad u tiro badan. Dhacdadan ayaa ku soo hagaagtay wakhtiga ay wadooyinka magaaladu ugu mashquul badan yihiin.

Waa warbixin deg deg ah, wixii ku soo kordhana kala soco Wargeyska Tusmo Times.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Local News

Magaaladda St. Paul oo bixisay deymo lagu lahaa 32,000 oo qof

Published

on

By

SAINT PAUL – Magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa bixisay dhamaan deymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa 32,000 oo qof oo deggen magaaladda. Duqa magaaladda St. Paul iyo shaqaalaha howshan ka shaqeeyay ayaa todobaadkan waraaqo u diraya 32,000 oo qof oo ay u sheegayaan in dhamaan wixii dayn caafimaad ee lagu lahaa laga bixiyay, lagan tirtiri doono.

Arrintan oo aad loo hadal hayo ayaa waxaa balanqaaday duqa magaaladda St. Paul Melvin Carter markii uu ku jiray ololaha doorashadda ee dib loogu doortay. Haddaba magaaladda St. Paul ayaa tirtirtay daymo qiimo ahaan ah $40 milyan oo ah daymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa dadka deggen magaaladda. Duqa magaalada St. Paul Melvin Carter ayaa sheegay in qorshahan looga golleeyahay in taageero la siiyo dadka daynta lagu leeyahay ee deggen magaaladda St. Paul si culeyksa dhaqaale looga qaado, loona garab qabto oo loo kaalmeeyo.

Continue Reading

Local News

NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO

Published

on

By

MINNEAPOLIS – Derrick Thompson oo ah ninkii shanta gabdhood ee Soomaalida ah shil gaadhi ku dilay ayaa diiday heshiis qirasho ah oo ay haweenayda ah Xeer-ilaaliyaha Degmadda Hennepin soo hordhigtay, balse ninkan ayaa sheegay in uu beddelkeeda maxkamadayn doonayo. Ninkan ayaa ku eedaysan dil darajada saddexaad ah iyo dil baabuur oo lagu eedeeyay in uu baabuur ku dhacay oo uu dilay shan gabdhood oo saaxiibo ah isaga oo ka baxsanaya booliiska.

Bishii hore ayeey maxkamad heer federaal ah ninkan ku heshay dhowr dembi oo la xiriira dilka gabdhaha. Qareenada Degmadda Hennepin ayaa xaqiijiyay in Derrick Thompson iyo qareenada difaacaya ay diideen heshiiska qiraalka ah, iyaga oo door biday in dacwadda la billaabo Febraayo 18, 2025 oo maxkamad la aado.

Derrick Thompson ayaa lagu soo oogay shan dacwadood oo kala ah dil darajada saddexaad ah iyo 10 fal dambiyeed dil baabuur ah oo sababay dhimashada shan gabdhood oo dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 20 jir: Salma Mohamed Abdikadir, Sahra Liban Gesaade, Sagal Burhaan Hersi, Siham Adan Odhowa, and Sabiriin Mohamoud Cali.

Continue Reading

Local News

Duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayaa qorsheynaya inuu mar kale isu soo taago doorashada Duqa Magaaladda

Published

on

By

MINNEAPOLIS – Duqa magaaladda Jacob Frey ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu mar kale isu soo taago doorashada sannadka soo socda.

“Waxaan isku diyaarinayaa inaan noqdo musharax u tartamaya xilka duqa magaaladda, laakiin weli si rasmi ah uma shaacin,” Frey ayaa qoraal ku sheegay Isniintii.

Jacob Frey ayaa markii u horeysay loo doortay duqa magaaladda sannadkii 2017, isaga oo ka adkaaday Betsy Hodges. Jacob Frey ayaa ahaan jiray Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee degmadda 3-aad ee magaaladda Minneapolis 2014 ilaa 2018 inta uusan noqonin duqa magaaladda.

Xigashadda sawirka: Magaaladda Minneapolis

Continue Reading

Trending