Local News
Garsoore diiday in maqal iyo muuqaal laga duubo maxkamada Maxamed Nuur
Garsoore maxkamada sarre ee Minnesota ayaa sheegay in aysan jiri doonin maqal cod ah ama fiidiyoow(muuqaal) in laga duubo inta lagu jiro maxkamad hore ee ka dhanka ah dacwada lagu soo oogay sarkaalka Maxamed Nuur oo ka tirsanaan jiray Ciidanka Booliiska ee magaalada Minneapolis. Maxamed Nuur ayaa lagu soo oogay dil toogasho ah bishii July […]
Garsoore maxkamada sarre ee Minnesota ayaa sheegay in aysan jiri doonin maqal cod ah ama fiidiyoow(muuqaal) in laga duubo inta lagu jiro maxkamad hore ee ka dhanka ah dacwada lagu soo oogay sarkaalka Maxamed Nuur oo ka tirsanaan jiray Ciidanka Booliiska ee magaalada Minneapolis.
Maxamed Nuur ayaa lagu soo oogay dil toogasho ah bishii July ee sanadkii 2017, waxaana loo haystaa dil uu u geystay haweenayda Justine Ruszczyk Damond. Maxamed Nuur ayaa toogtay haweenaydan isaga oo shaqo ku gudda jira, ka dib markii ay u yeedhatay bilayska si ay uga caawiyaan dambi iyo weerar qof kale loo geysanayey oo gurigeeda ka ag dhacayey.
Qaar badan oo kamid ahwarbaahinta maxaliga iyo warbaahinadda ugu waaweyn dalka Mareykanka iyo gobolka Minnesota oo oo ay ka mid yihiin Associated Press, ayaa waydiisatay ogolaanshaha in loo ogolaado in ay duubaan marka ay bilaabato maxkamada iyo dacwada loo haysto Maxamed Nuur.
Haddaba Garsooraha isagu gacanta ku haya dacwada Maxamed Nuur ayaa diiday oo sheegay in Minnesota ayna oggolayn in la duubo dacwad maxkamadeed haddii ay labadda dhinac ee iska soo horjeeda ayna wada ogolaan, kuna heshiinin in la duubi karo dacwada iyo maxkamadu inta ay socoto.
Xeer-ilaaliyeyaasha iyo qareennada difaacaya Maxamed Nuur ayaa diiday in la duubo muuqaalka iyo wixii maqal ah ee la xiriira maxkamada iyo dacwada Maxamed Nuur.
Maxamed Nuur Noor ayaa u balansan in uu yimaado markale maxkamada Maalinta Jimci ah. Maxkamadiisa iyo dacwada dhabta ah ee la xiriirta dambiga lagu soo oogay ayaa si rasmi ah u bilaabanaysa bisha Abriil 1-deeda, 2019. Sidoo kale waxaa wakhtigaas bilaabanaya xulashadda xeerbeegtida iyagu go’aanka ka gaari doona dacwada lagu soo oogay Maxamed Nuur.
Local News
Hudda Ibrahim oo xil loo magacaabay islamarkaana ay ansixiyeen guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud
Saint Cloud – Guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota ayaa Dr. Hudda Ibrahim u magacaabay in ay kamid noqoto guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud. Hudda ayaa qabanaysa xilkii uu hayey Jake Anderson oo bishii November loo doortay in uu noqdo duqa magaaladda Saint Cloud.
Dr. Hudda Ibrahim ayaa waxaa u codeeyay dhamaan xubnaha guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota. Dr. Hudda Ibrahim ayaa taariikh cusub ka dhigtay magaaladda Saint Cloud. Waxay noqotay qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee xil dowladeed ka qabta magaaladda Saint Cloud.
Xigashadda sawiradda: Xidig TV
Local News
Magaaladda St. Paul oo bixisay deymo lagu lahaa 32,000 oo qof
SAINT PAUL – Magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa bixisay dhamaan deymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa 32,000 oo qof oo deggen magaaladda. Duqa magaaladda St. Paul iyo shaqaalaha howshan ka shaqeeyay ayaa todobaadkan waraaqo u diraya 32,000 oo qof oo ay u sheegayaan in dhamaan wixii dayn caafimaad ee lagu lahaa laga bixiyay, lagan tirtiri doono.
Arrintan oo aad loo hadal hayo ayaa waxaa balanqaaday duqa magaaladda St. Paul Melvin Carter markii uu ku jiray ololaha doorashadda ee dib loogu doortay. Haddaba magaaladda St. Paul ayaa tirtirtay daymo qiimo ahaan ah $40 milyan oo ah daymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa dadka deggen magaaladda. Duqa magaalada St. Paul Melvin Carter ayaa sheegay in qorshahan looga golleeyahay in taageero la siiyo dadka daynta lagu leeyahay ee deggen magaaladda St. Paul si culeyksa dhaqaale looga qaado, loona garab qabto oo loo kaalmeeyo.
Local News
NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO
MINNEAPOLIS – Derrick Thompson oo ah ninkii shanta gabdhood ee Soomaalida ah shil gaadhi ku dilay ayaa diiday heshiis qirasho ah oo ay haweenayda ah Xeer-ilaaliyaha Degmadda Hennepin soo hordhigtay, balse ninkan ayaa sheegay in uu beddelkeeda maxkamadayn doonayo. Ninkan ayaa ku eedaysan dil darajada saddexaad ah iyo dil baabuur oo lagu eedeeyay in uu baabuur ku dhacay oo uu dilay shan gabdhood oo saaxiibo ah isaga oo ka baxsanaya booliiska.
Bishii hore ayeey maxkamad heer federaal ah ninkan ku heshay dhowr dembi oo la xiriira dilka gabdhaha. Qareenada Degmadda Hennepin ayaa xaqiijiyay in Derrick Thompson iyo qareenada difaacaya ay diideen heshiiska qiraalka ah, iyaga oo door biday in dacwadda la billaabo Febraayo 18, 2025 oo maxkamad la aado.
Derrick Thompson ayaa lagu soo oogay shan dacwadood oo kala ah dil darajada saddexaad ah iyo 10 fal dambiyeed dil baabuur ah oo sababay dhimashada shan gabdhood oo dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 20 jir: Salma Mohamed Abdikadir, Sahra Liban Gesaade, Sagal Burhaan Hersi, Siham Adan Odhowa, and Sabiriin Mohamoud Cali.
-
Local News6 months ago
Governor Walz Announces Minnesota Ranked as a Top State for Business
-
Local News3 months ago
Celebrating Community: The Inaugural Samafal Gala at the Minnesota Somali Community Center
-
Community4 months ago
Youth Leader and Mentor: Mohamed Jama’s Fight for Change in Whittier
-
Local News6 months ago
Secretary Simon Named President of the National Association of Secretaries of State
-
Local News4 months ago
BCA Identifies man shot by Minneapolis police after firing AK-47 in Minneapolis apartment building
-
Videos3 months ago
Contracting: Mastering the Basics and Beyond – Nov 13th
-
Local News3 months ago
NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO
-
Local News3 months ago
Duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayaa qorsheynaya inuu mar kale isu soo taago doorashada Duqa Magaaladda