Local News
Minnesota oo lagu soo geba-gabeeyay Tartanka Quraanka ee Imaam Al-Shatibi
Tartan Quraanka Kariimka ah ayaa si rasmi ah loogu soo geba-gabeeyay magaalada Bloomington ee gobalka Minnesota. Tartankan oo lagu magacaabo Imaam Al-Shatibi ayaa waxa uu galay sanadkiisii 5-aad, waxaana ka soo qeyb galay arday kor u dhaafeysa 420 oo ka kala yimid gobalada Mareykanka iyo dalka Canada. Munaasabad ballaadhan oo lagu qabtay goobtii uu tartanku […]
Tartan Quraanka Kariimka ah ayaa si rasmi ah loogu soo geba-gabeeyay magaalada Bloomington ee gobalka Minnesota.
Tartankan oo lagu magacaabo Imaam Al-Shatibi ayaa waxa uu galay sanadkiisii 5-aad, waxaana ka soo qeyb galay arday kor u dhaafeysa 420 oo ka kala yimid gobalada Mareykanka iyo dalka Canada.
Munaasabad ballaadhan oo lagu qabtay goobtii uu tartanku ka socday ee dugsiga saree ee Kennedy ayaa waxa abaal-marinnadii ay mutaysteen lagu guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha ugu horreeya ka galay tartankaas quraanka oo kala ahaa.
Ardayda wiilasha ah ee ku guuleystay 30-ka Juz
- Mohammad Maruf oo ka socday dalka Canada ayaa ku guuleystay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $10,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Ahmed Mohamed Hassan oo ka socday gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 2-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $6,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Hamza Aabi oo ka socday gobolka Tennessee ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $4,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Abdullahi Bashir Abdi oo ka socday gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 4-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
- Abdulwahab Ahmed oo ka socday gobolka Virginia ayaa galay kaalinta 5-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
- Hamza Fahzy oo ka socday gobolka Texa ayaa galay kaalinta 6-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
Ardayda Gabdhaha ah ee ku guuleystay 30-ka Juz
- Rahmo Kassim Mohamed oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $10,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isayada iyo macalinkeeda.
2. Awo Mohamed Salad oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 2-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $6,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo iyada iyo macalinkeeda.
3. Nura Mohamed Ahmed oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 3-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $4,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo iyada iyo macalinkeeda.
Ardayda ku guuleystay codka ugu wanaagsan
- Hamza Fahzy oo ka socday gobolka Texas ayaa ku guuleystay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
- Mohammad Maruf oo ka socday dalka Canada ayaa ku guuleystay kaalinta 2-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $1,500 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
- Abedallah abualnaja oo ka socday gobolka Texas ayaa ku guuleystay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $1,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
Ardayda ku guuleystay 15-ka Juz
- Ramla Omar oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $3,500 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo iyada iyo macalinkeeda.
- Abdirahman Mohamed oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 2-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $3,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Sabirin Hassan oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 3-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,500 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo iyada iyo macalinkeeda.
Ardayda ku guuleystay 15-ka Juz
- Dalha Mohamed oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $3,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Nawal Farah Omar oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 2-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,500 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo iyada iyo macalinkeeda.
- Ibrahim A Ibrahim oo ka socda gobolka Tennessee ayaa galay kaalinta 3-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Samira AbdiRashid Aden oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 4-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
- Zakariya Abukar oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 5-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
Ardayda ku guuleystay 5-ta Juz
- Mohamed Abdulle Mohamed oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,250 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Ilyas A Farah oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,250 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Mohamed Omar oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 3-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $1,500 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Khalid Hersi oo ka socda gobolka Georgia ayaa galay kaalinta 4-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Rayaan M Abdi oo ka socota gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 5-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
- Abdirahman Abdullahi Mohamed oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 6-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
Ardayda ku guuleystay 1-ka Juz
- Khalif Mohamed oo ka socda gobolka Tennessee ayaa galay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Mohamed Amin Abdirashid oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 2-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $1,500 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Salmon Ahmed Jama oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 3-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $1,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Anas A Farah oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 4-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Jamal mowlid Abdulle oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 5-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Haruun Mohamed oo ka socda gobolka Tennessee ayaa galay kaalinta 6-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Bashir Osman Muse oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 7-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Abdullahi Hassan Mohamud oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 8-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Abdullahi Yusuf oo ka socda gobolka Tennessee ayaa galay kaalinta 9-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
- Abdullahi Abdirahman Ali oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 10-naad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
Local News
Hudda Ibrahim oo xil loo magacaabay islamarkaana ay ansixiyeen guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud
Saint Cloud – Guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota ayaa Dr. Hudda Ibrahim u magacaabay in ay kamid noqoto guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud. Hudda ayaa qabanaysa xilkii uu hayey Jake Anderson oo bishii November loo doortay in uu noqdo duqa magaaladda Saint Cloud.
Dr. Hudda Ibrahim ayaa waxaa u codeeyay dhamaan xubnaha guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota. Dr. Hudda Ibrahim ayaa taariikh cusub ka dhigtay magaaladda Saint Cloud. Waxay noqotay qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee xil dowladeed ka qabta magaaladda Saint Cloud.
Xigashadda sawiradda: Xidig TV
Local News
Magaaladda St. Paul oo bixisay deymo lagu lahaa 32,000 oo qof
SAINT PAUL – Magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa bixisay dhamaan deymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa 32,000 oo qof oo deggen magaaladda. Duqa magaaladda St. Paul iyo shaqaalaha howshan ka shaqeeyay ayaa todobaadkan waraaqo u diraya 32,000 oo qof oo ay u sheegayaan in dhamaan wixii dayn caafimaad ee lagu lahaa laga bixiyay, lagan tirtiri doono.
Arrintan oo aad loo hadal hayo ayaa waxaa balanqaaday duqa magaaladda St. Paul Melvin Carter markii uu ku jiray ololaha doorashadda ee dib loogu doortay. Haddaba magaaladda St. Paul ayaa tirtirtay daymo qiimo ahaan ah $40 milyan oo ah daymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa dadka deggen magaaladda. Duqa magaalada St. Paul Melvin Carter ayaa sheegay in qorshahan looga golleeyahay in taageero la siiyo dadka daynta lagu leeyahay ee deggen magaaladda St. Paul si culeyksa dhaqaale looga qaado, loona garab qabto oo loo kaalmeeyo.
Local News
NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO
MINNEAPOLIS – Derrick Thompson oo ah ninkii shanta gabdhood ee Soomaalida ah shil gaadhi ku dilay ayaa diiday heshiis qirasho ah oo ay haweenayda ah Xeer-ilaaliyaha Degmadda Hennepin soo hordhigtay, balse ninkan ayaa sheegay in uu beddelkeeda maxkamadayn doonayo. Ninkan ayaa ku eedaysan dil darajada saddexaad ah iyo dil baabuur oo lagu eedeeyay in uu baabuur ku dhacay oo uu dilay shan gabdhood oo saaxiibo ah isaga oo ka baxsanaya booliiska.
Bishii hore ayeey maxkamad heer federaal ah ninkan ku heshay dhowr dembi oo la xiriira dilka gabdhaha. Qareenada Degmadda Hennepin ayaa xaqiijiyay in Derrick Thompson iyo qareenada difaacaya ay diideen heshiiska qiraalka ah, iyaga oo door biday in dacwadda la billaabo Febraayo 18, 2025 oo maxkamad la aado.
Derrick Thompson ayaa lagu soo oogay shan dacwadood oo kala ah dil darajada saddexaad ah iyo 10 fal dambiyeed dil baabuur ah oo sababay dhimashada shan gabdhood oo dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 20 jir: Salma Mohamed Abdikadir, Sahra Liban Gesaade, Sagal Burhaan Hersi, Siham Adan Odhowa, and Sabiriin Mohamoud Cali.
-
Local News6 months ago
Governor Walz Announces Minnesota Ranked as a Top State for Business
-
Local News2 months ago
Celebrating Community: The Inaugural Samafal Gala at the Minnesota Somali Community Center
-
Community3 months ago
Youth Leader and Mentor: Mohamed Jama’s Fight for Change in Whittier
-
Local News6 months ago
Secretary Simon Named President of the National Association of Secretaries of State
-
Local News4 months ago
BCA Identifies man shot by Minneapolis police after firing AK-47 in Minneapolis apartment building
-
Local News2 months ago
NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO
-
Videos2 months ago
Contracting: Mastering the Basics and Beyond – Nov 13th
-
Local News2 months ago
Duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayaa qorsheynaya inuu mar kale isu soo taago doorashada Duqa Magaaladda