Connect with us

Health

Vaping: Waxa ay tahay in ay waalidku ka ogaadaan

Published

on

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa soo kordhaya dhallinyarada isticmaalaysa maandooriyaha Vaping-ka oo ah sigaar elektaroonik ah ama sigaarka loo yaqaano (e-sigaar). Sigaarkan oo ay dhallinyaradau isticmaalaan ayaa ah mid la dhuuqo oo qiiqa ka baxana uuna lahayn wax ur ah sida sigaarka caadiga ah oo kale.

Waalidka ayaa haddaba ubadkooda kala hadli kara, wargelin karana halista ay isticmaalka maandooriyaha vaping-ka ah leedahay. Waalidka ayaa marka ay iyagu bartaan halista caafimaad ahaan ee la xiriirta isticmaalka vaping-ka, carruurtooda iyo dhallinyaradda la wadaagi kara, ka wacyi-gelin kara, una sheegi kara:

  • Sida ugu haboon ee carruurta loogala hadlo khatarta caafimaad ee vaping-ku sababo
  • Sida loo ogaado in ilmahaagu ay dhuuqaan, isticmaalaan vaping-ka.
  • Sida loo caawimo dhallinyradda isticmaala vaping-ka.

Sidee U Shaqeeyaa Vaping-ka?

Sigaarka elektaroonigga ah “vaping-ka” ayaa kululeysa  dareerayaal ka kooban nikotiin ama xashiishad, kaddibna waxay noqdaan uumi, kaas oo la nuugo. Dareeraha (oo loo yaqaan “vape juice”) waxaa inta baddan ku jira oo ay ka kooban yihiin nikotiin ama xashiishad lagu shubo oo sidii saliid oo kale ah. Intooda baddan waxaa loogu tallo galay in mudo kooban la isticmaalo, kaddibna la tuuro.

Waa maxay Khatarta Caafimaad ee isticmaalka Vaping-ka?

Khatarta caafimaad ee isticmaalka Vaping-ka waxaa ka mid ah:

  • Qabatinka: sigaarka E-sigaarka ah waxaa ku jira nikotiin, iyo daroogoyiin kale oo aad u qabatimo baddan, mar haddii uu qofku la qabsaddana ay adag tahay sida uu iskaga joojiyo. Qofkuna uma baahna in uu maalin kasta dhuuqo ama cabo vaping-ka si uu u qabatimo, wax ku filan dhowr jeer oo uu qofku isticmaalo maandooriyahan.
  • Walaaca iyo niyad-jab: Nikotiinka ku jira vaping-ka ayaa ka sii dara welwelka iyo niyad-jabka uu qofku qabo. Waxa kale oo ay saamaysaa xusuusta, feejignaanta, is-xakamaynta, iyo dareenka, gaar ahaan maskaxda soo koraysa.
  • Noqoshadda qof sigaar cabbista caadeysta: Dadka da’da yar ee sigaar Vaping-ga ama E-sigaarka cabba waxay u badan yihiin in ay bilaabaan sigaarka caadiga ah (tubaakada) waxaana laga yaabaa oo ay u baddan tahay in ay yeeshaan balwado kale mustaqbalka.
  • Dhibaatooyin la xiriira hurdada, iyo hurdo xumo.
  • Kiimikooyinka kansarka sababa oo laga yaabo in ay qofka isticmaala E-sigaarka iyo vaping-ka soo gaaraan.
  • Iyo dhaawac soo gaara sambabadda oo caafimaadka qofka halis gelin kara.

Saamaynno kale oo caafimaad ayaa suurtagal ah oo uu Vaping-ku sababo oo aan weli la ogeyn. Isticmaalka Vaping-ka ayaa muddo kooban soconday, waaba maandooriye cusub, marka khatarteeda caafimaad lama wada yaqaan weli.

Sideed ku ogaan karaa in ilmahaagu uu istimcaalo Vaping-ka?

Calaamadaha isticmaala vaping-ka lagu garto waxaa ka mid ah:

  • Arrimo caafimaad xumo cusub ah, sida qufac ama xiiq oo aad ku aragtid ilmahaaga.
  • In aad aragto ilmahaaga oo wata sigaarka elektaroonigga ah, sida khada dheecaanka ah ee lagu daro, loona isticmaalo Vaping-ka ama walxo kale oo muuqaal ahaan aad ka shakiso.
  • In aad ur cusub oo nooc kale ah oo ay sababeen (khada ama dheecaanka maandooriyaha ah ee ay ku jiraan nicotine iyo marijuana vaping-ka lagu daro) oo ka soo carfa dharka uu ilmahaagu xirto/xidhan yahay, ama marka ay neefsadaan iyagga oo ku la hadlaya ama ku ag fadhiya.

Maxaan Sameeyaa Haddi Ilmahaygu isticmaalo Vaping-ka?

Ilmahaagu waxa uu u baahan doonaa caawimad iyo taageero si uu iskaga joojiyo isticmaalka Vaping-ka. Isku day sidii aad u caawin lahayd, una heli lahaa dhiirigelin keenta sidii ilmahaagu u joojin lahaa isticmaalka vaking-ka. Waxaa laga yaabaa oo lagama maarmaan ah in aad in baddan la hadasho ilmahaaga:

  • In aad mar walba la doonaysid in uu ilmahaagu noqdo qof caafimaad qaba, horumar dhankasta oo nolosha ahna gaara.
  • Ku dadaal sidii uuna ilmahaagu u noqon qof la qabsadda ama joogteeya isticmaalka maandooriyaha si ayna balwad joogto ah ugu noqon.
  • Isku day oo ku dadaal in aad ka ilaaliso ilmahaaga xayaysiisyada lagu bartilmaameedsado dhalinyaradda ee maandooriyayaasha xayeeysiiya.

Sidee Caruurtu iyo Dhallinyaradu u joojin karaan Vaping-ka?

Dhallinyarada doonaya in ay joojiyaan, waxaa caawin kara:

  • Marka koobaad go’aanka waxaa iska leh iyaga, waxaana la rabaa in marka ay gaadhaan go’aan ay rabaan in ay iskaga joojiyaan isticmaalka vaping-ka ay meel ku qortaan wakhtiga ay rabaan in ay joojiyaan iyo sababta ay rabaan in ay iskaga joojiyaan. Tan ayaa u sahlaysa in ay marka ay damcaan in ay isticmaalaan vaping-ka ama ay xaraaradi qabato, in ay dib u eegaan sababta keentay in ay iska joojiyaan.
  • Ka caawi ilmahaaga sidii u dooran lahaa maalin go’an oo ay rabaan in ay joojiyaan isticmaalka Vaping-ka. Maalinta ay doortaan in ay iska joojiyaan isticmaalka vaping-ka ha ku qortaan jadwalka si ay u xasuustaan, ha u sheegaan saaxiibadood, gaar ahaan kuwa taageeraya ee dhiirigelinaya, sidoo kale hala wadaagaan qoyskooda, si ay u garab istaagaan.
  • Dadka qaarkiis waxaa u shaqeeya oo u sahla in ay iska joojiyaan isticmaalka vaping-ka calajinta xanjo aan sonkor lahayn ama nacnac.
  • Tuur, kana ilaali dhamaan wixii la xiriira vaping-ka.

Qore:

Abdillahi Kahin

Program Manager (WellShare International)

Email: Abkahin@wellshareinternational.org

Continue Reading

Health

Deputies and Crisis Negotiators Safely Resolve Mental Health Crisis Outside Hennepin Healthcare

Published

on

By

Minneapolis — A tense mental health crisis unfolded Thursday morning outside Hennepin Healthcare, where deputies and crisis negotiators worked for hours to safely intervene and ensure a person in distress received medical care.

According to the Hennepin County Sheriff’s Office, deputies assigned to the hospital responded to reports of a person in crisis inside a vehicle that was blocking traffic near the facility. When deputies approached, they observed the individual actively harming themself by cutting their head with multiple knives.

Crisis negotiators with the sheriff’s office arrived within minutes and began speaking with the individual in an effort to de-escalate the situation and persuade them to put down the weapons and accept help.

The incident prompted authorities to close nearby streets, including Chicago Avenue and 6th Street, to secure the area. At one point, part of the hospital’s emergency room was also placed on lockdown as a precaution while the situation unfolded.

For approximately two hours, negotiators maintained communication with the individual, who appeared to respond to their efforts to encourage them to exit the vehicle and seek assistance.

However, officials said the situation escalated suddenly when the person began cutting their own throat. Deputies then deployed less-lethal munitions to break the vehicle’s windows, allowing them to quickly gain access and intervene to prevent further injury.

The individual was taken into the hospital and is currently receiving medical care.

During the response, a crowd of roughly 20 to 30 people gathered nearby. Authorities said some members of the crowd shouted obscenities toward deputies, increasing tensions despite officers explaining the circumstances of the situation.

Officials noted that in incidents involving individuals experiencing an active mental health crisis, even minor disturbances can heighten the risk and complicate efforts to safely de-escalate the situation.

Authorities also acknowledged that emotions remain heightened in the community following Operation Metro Surge, but emphasized that law enforcement officers continue to respond to challenging situations that require patience, coordination, and care.

The sheriff’s office expressed appreciation for the agencies that assisted at the scene, including the Minneapolis Police Department, Minneapolis Behavioral Crisis Team, and Hennepin Healthcare paramedics for all of their work bringing this incident to a safe ending and providing on scene support and medical aid. HCSO crisis negotiators are highly trained professionals skilled in communicating with people who are experiencing a mental health crisis. They also respond to barricaded subjects, hostage situations, and other high-risk incidents involving weapons, working patiently and strategically to bring situations to a safe resolution.

Continue Reading

Community Resource

Hennepin County Seeks Community Partners to Prevent Violence

Published

on

By

Hennepin County is inviting community organizations, service providers, and residents to partner in strengthening violence prevention efforts across the county.

To support collaboration, the county will host both in-person and virtual information sessions. These gatherings will give potential partners the opportunity to ask questions, share feedback, and help shape how this important work moves forward together.

Building Safer, Stronger Communities

Over the past several years, violence prevention staff within Hennepin County’s Safe Communities area have worked closely with community-based providers in neighborhoods most impacted by violence. Their shared goal is to increase safety and ensure residents have access to:

  • Basic needs and essential resources
  • Meaningful employment opportunities
  • Safe spaces to grow and learn
  • Psychological support and a sense of being valued
  • Freedom from fear
  • Pride and belonging in their communities

Through collaboration, the county and its partners aim to create protective environments for young people, connect them with caring adults and positive activities, and promote healthy families.

“Violence prevention is a collective effort,” said Ifrah Jama, violence prevention coordinator for Hennepin County. “Every young person has the potential to choose peace over violence. We can support and guide them in recognizing the strength of compassion and understanding. Empowering our youth to become leaders in peacebuilding is at the heart of our violence prevention effort. They are the change-makers of tomorrow.”

Get Involved

As the county prepares to seek proposals for 2027 programming, community members are encouraged to attend upcoming virtual feedback sessions to learn more and share input.

Virtual Gathering:
Tuesday, March 10
1 p.m.

Learn more: Community violence prevention request for proposals

Organizations and residents who are committed to creating safer neighborhoods and expanding opportunity for youth are strongly encouraged to participate.

Together, we can build communities where every young person feels safe, supported, and empowered to thrive.

Continue Reading

Health

City of Minneapolis Launches First NARCAN Vending Machine on the Northside

Published

on

By

Minneapolis – In a groundbreaking effort to expand access to life-saving overdose intervention tools, the Minneapolis Health Department, in partnership with Hennepin County, has installed the first NARCAN vending machine in North Minneapolis. The machine is located at Fire Station 14, which also operates as the City’s Safe Station—a trusted and welcoming space for individuals seeking help with substance use and recovery.

The vending machine is stocked with more than 100 boxes of NARCAN, with each box containing two doses of the opioid overdose reversal medication. It is accessible 24/7 and available at no cost—no ID, insurance, or appointments required.

Fire Station 14 serves as more than just an emergency response hub—it’s a point of connection. Those who walk through its doors can access peer recovery specialists and a network of support services aimed at helping people take the next step in their recovery journey.

Support is here, and it’s closer than you think. By putting tools like NARCAN directly into the hands of community members, Minneapolis is taking a vital step toward building healthier, more resilient neighborhoods.

Watch the announcement: https://www.youtube.com/live/K6HeebdcXL0

Find resources: https://www.minneapolismn.gov/…/current-concerns/opioids/

Continue Reading

Trending